Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Lacag keensatay Muqdisho


Dowladda oo Lacag keensatay Muqdisho
Dowladda oo Lacag keensatay Muqdisho

Lacag Shillin Soomaali ah oo qiyaasteeda lagu sheegay ilaa 200 oo bilyan ayaa maanta u soo dagtay dowladda KMG ee Somalia

Dowladda KMG ayaa maanta la soo dagtay lacag fara badan oo shillin Soomaali ah. Lacagtan ayaa qeyb ka ah sida la sheegay lacagihii dowladda loogu soo daabacayay dalka Sudan.

Lacagtan oo saarnaa diyaarad maanta ka soo dagtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa lagu xareeyay bangiga dhexe ee Somalia.

Xildhibaan Caasha Axmed C/lle oo ka tirsan guddiga dabagalka Maaliyada, sheegtay in wasaaradda Maaliyaddu ay soo daabacatay lacagtan oo ay taasina tahay mid sharci darro ah.

Xildhibaan Caasha Axmed C/lle, waxay sheegtay in lacagtani ay sicir barar ku keeni doonto dhaqaalaha iyo ganacsiga Somalia.

Wasaaradaha Maaliyada iyo Lacagta ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan imaanshaha lacagtan.

XS
SM
MD
LG