Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Furtay Sanduuq Dhaqaale


Dowladda oo Furtay Sanduuq Dhaqaale
Dowladda oo Furtay Sanduuq Dhaqaale

Dowladda KMG ah ayaa sanduuq dhaqaale u furtay abaaraha ka jira Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay ku bilaabeyso $500,000.

Madaxweynaha DKMG ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay abaaraha u furtay Sanduuq ay ku bilaabeyso $500,000.

Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay in Sanduuqaasi uu ka furan yahay Bankiga Dhexe. Wuxuu kaloo sheegay in Sanduuq kale laga furay shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan dad badan oo abaaro dartood uga soo barakaceen deegaanadoodii.

Dhinaca kale, shaqaalaha hay'adda Daryeel Bulsho-Guud (DBG) ayaa iyaguna dadka tabaaleysan ay ugu deeqeen $11,097.

XS
SM
MD
LG