Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Dib u Qabsatay Halgan


Askar ka tirsan ciidamada dowladda
Askar ka tirsan ciidamada dowladda

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta mar kale qabsaday tuulada Halgan ee hoos timaada degmaada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ayaa maanta mar kale qabsaday tuulada Halgan ee hoos timaada degmaada Buula Barde ee gobolka Hiiraan.

Ku dhowaad laba toddobaad ka hor ayey ciidanka dowladda halkaasi ay isakaga baxeen iyagoo aan wax sabab ah ka bixin, kaidbna ay dib u qabsadeen ururka Al-Shabaab.

Taliye ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaasi qabsaday, ayaa VOA-da u sheegay in ciidamadooda ay fariisimo ka dhigteen dhinaca waqooyi ee Halgan.

Maleeshiyadii Kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay halkaasi isaga baxeen shalay galab, ayada oo aanay wax dagaal ah halkaasi ka dhicin.

Weriye Xuseen Barre ayaa waxaa uu ka waraystay arrintaasi Mustaf Xerow Nuur oo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Halgan.

Wareysi: Guddoomiyaha Halgan
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:44 0:00

XS
SM
MD
LG