Isku xirrada

War

Libya: Mucamar Qaddaafi waa la Dilay


Libya: Mucamar Qaddaafi waa la Dilay

Libya: Mucamar Qaddaafi waa la Dilay

Dowladda KMG ee Libya ayaa xaqiijisay inuu dhintay hoggaamiyihii hore ee Libya Mucammar al-Qaddaafi kaddib markii ay toogteen ciidamada dowladda KMG.

Saraakiisha militariga ee dowladda Libya ayaa sheegay in Qaddaafi ay dileen ciidamada dowladda KMG oo maanta qabsaday magaalada Qadaafi ee Sirte.

Wararka ayaa sheegaya in Qaddaafi la dilay isagoo markaasi ka baxsanayay dagaallada magaalada Sirte.

Ciidamada dowladad KMG ee Libya ayaa markii ay qabsadeen magaalada Sirte waxay ka taageen calankooda, iyadoo rasaas dabaaldegyo ah laga maqlayay guud ahaan magaalada Sirte.

XS
SM
MD
LG