Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda KMG oo Hal Sanno Kororsatay


Dowladda KMG oo Hal Sanno Kororsatay
Dowladda KMG oo Hal Sanno Kororsatay

Dowladda KMG ayaa maanta ku dhawaaqday inay hal sanno ku darsatay waqtigeedii, iyadoo baajisay doorashadii la qaban lahaa bisha August

Xukuumadda KMG ee Somalia ayaa maanta ku dhawaaqday inay hal sanno ku darsatay, waxayna sidoo kale baajisay doorashadii la qaban lahaa bisha August.

go'aannadan ayaa loogaga dhawaaqay kulan ay maanta Muqdisho ku yeehseen gollaha wasiiradda ee dowladda KMG ee Somalia.

Wasiirka Dastuurka, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Maxamuud Max'ed Boonow ayaa VOA u sheegay in gollaha wasiiraddu markay qiimeeyeen xaaladda dalka ay go'aamiyeen in muddo sanad ah loo kordhiyo saddexda hay'adood ee dowladda KMG ee Somalia, wuxuuna sheegay in muddadan sanadka ah uu ka bilaabmayo bisha August ee sanadkan 2011.

Go'aankan uu gaadhay gollaha wasiiraddu wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo aan wali xal laga gaarin muddo kordhintiii saddex sanno ahayd ee uu kordhistay baarlamaanka Soomaaliya.

Go'aankan muddo kordhiska halka sanno ah ayaa waxaa la horgeyn doonaa baarlamaanka Somalia si uu u ansixiyo ama u diido.

XS
SM
MD
LG