Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo ka Hadlay Weerarkii Halgan


Wasiirka amniga qaranka, Cabdirisaaq Cumar
Wasiirka amniga qaranka, Cabdirisaaq Cumar

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ka hadlay weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ay saaka ku qaadeen saldhigga ciidamada Ethiopia ay ku lee yihiin tuulada Halgan ee gobolka Hiiraan

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa VOA u sheegay in weerarka lagu dilay 240 ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab iyo sagaal ka tirsan ciidamada Ethiopia.

Dhinaca kale, safiir ku xigeenka Ethiopia ee Soomaaliya, Jamaaluddiin Mustafa Cumar oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in 120 dagalayahan oo Shabaab ah ay weerarka ku dhinteen.

Tirada khasaaraha ee dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay sheegeen ayaan is-waafaqsaneyn, waxaana illaa iyo hadda jirin cid si madax banaan u xaqiijin karta khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegay inay dileen 60 askari Ethiopian ah, inkasta oo aan si madax banaan loo xaqiijin karin.

Hoos ka dhageyso wareysiyada wasiirka amniga Soomaaliya iyo safiir ku xigeenka Ethiopia ee Soomaaliya.

Wareysi: Wasiirka Amniga Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:57 0:00
Wareysi: Jamaaluddiin Mustafa
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:06 0:00

XS
SM
MD
LG