Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyinka Soomaaliya oo Dib u Dhacaya


Madasha
Madasha

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay idaacadda VOA ayaa sheegay in madaxda Madasha Hoggaanka Qaran ee Soomaalida ay ka wada hadlayaan muddo cusub oo la qabto doorashooyinka hay’adaha dawladiga ah ee Soomaaliya iyadoo ilaha wararka ka ag-dhow shirarka socda ay sheegayaan in laga yaabo inaysan dhicin xilligii hore loo shaaciyey.

Doorashada baarlamaanka hoose ayaa lagu waday in lagu soo gabagabeeyo 20-ka Ogosto halka tan aqalka sarena ay dhici lahayd bishii aynu soo dhaafnay, iyadoo tan madaxweynaha lagu waday inay dhacdo ugu damabayn 10-ka September.

Wararka aynu ka helayno ilo lagu kalsoon yahay waxay sheegayaan in doorashadaasi haatan ay dib u dhici karto muddo ka badan bil, ugu yaraan.

Wararka aanu ka helnay laba ilood oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxda madasha qaran ay isku soo qaadeen in doorashada madaxweynaha la qabto 25-ka Oktoobar, inta ka horraysana la dhammaystiro dhismaha labada aqal.

Qoraal loo diray beesha caalamka oo ay aragtay VOA ayaa sidoo kale muujinaya in doorashada Aqalka Sare la qabto 25-ka September, Aqalka Hoose-na 1-7 Oktoobar. Jadwalkan cusub ayaan weli si rasmi ah loogu heshiinin, lamana saxiixin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalayey shirarka madasha qaran ayaa maanta u dhoofay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana wararku sheegayaan inay socoto qoraal qabyo ah oo ku saabsan jadwal cusub oo doorashooyinku dhici doonaan.

XS
SM
MD
LG