Doorashooyinkan gobollada oo inta badan lagaga tilmaan qaato sida ay u dhici doonaan doorashooyinka madaxwaynenimada ee dalka Faransiisku ayaa waxaa ay muujinayaan in ay 30% codadkii la bixiyay ay ku guulaysteen xisbiga socialiska ahi,oo axsaabta kale ee ay siyaasadahoodu garabka bixid raacsan yihiiina ay si wanaagsan ugu soo baxeen.
Xisbiga madaxwayne Sarkozy ee UMP ayaa iyaguna helay ku dhawaad 26% codadkii ay dadku dhiibteen, waxaana la sheegayaa in xisbiga madaxwaynaha laga raacay xaalladaha haatan ka jira dalka Faransiiska ee is dhinka miisaaniyada oo maraya in ka badan boqolkiiba sideed iyo dadka shaqada la’ oo ay tiradoodu ka badan tahay boqolkiiba toban
Waxaana kale oo lama filaan noqotay guusha ay heleen xisbiga aadka ugu fogaaday siyaasadaha garabka midig ee lagu fogeeyo dadka aanu asalkoodu Faransiiska ahayn ee National front oo iyaguna helay 12% codadkii la bixiyay.
Axadda dambe ayaase si kama dambyan ah loogu kala bixi doonaa doorashooyinkaasi iyada oo la qabanayo warreega labaad ee doorashada oo ka dhici doonta gobollada aanu warreegii hore ee doorashada Xizbinna aanu ka helin aqlabiyad aan lagaga daba hadlin.