Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyin Sudan Ka Bilowday


Mid ka mid ah dadkii codkooda dhiibanayey
Mid ka mid ah dadkii codkooda dhiibanayey

Dalka Sudan waxaa maanta ka bilowday doorashooyinkii ugu horeeyay ee ay ka qeybgalaan xisbiyo fara badan ku dhawaad 25 sanandood.

Codbixinta ayaa ka bilaabatay guud ahaan dalka, waxaana codeynaya ilaa 16 malyuun oo qof. Doorashadan ayaa lagu soo dooranayaa madaxweyne, gudoomiyayaal gobol iyo baarlamaanno gobol. Dhinaca koofureed ee Sudan waxaa ay soo dooranayaan madaxweyne u gaar ah.

Cod-bixinta waxay bilaabatay iyadoo ay jirto welwel laga qabo xiisado dhalan kara iyo shaki ku saabsan in xukuumadu ay qaban karto doorashooyin la isku halayn karo.

Masuuliyiinta Sudan ayaa goobaha codbixinta dhigay in ka badan 100 kun oo saraakiil ah si ay u nabadda u sugaan

Inkasta oo ay ka qeybgalayaan xisbiyada waaweyn ee mucaaradka, hadana dhowr xisbi ayaa si buuxda iyo si qeyb ahaanba u qaadacay doorashooyinka, iyagoo sheegay in madaxweyne Cumar Al-Bashir iyo xisbigiisa NCP ay qorsheynayaan inay natiijooyinka doorashada ku shubtaan. Madaxweyne Bashiir ayaa la filayaa inuu ku guuleysto in dib loo doorto.

XS
SM
MD
LG