Isku xirrada

War

Doorasho ka Socota Baarlamanka Soomaaliya


Doorasho ka Socota Baarlamanka Soomaaliya

Doorasho ka Socota Baarlamanka Soomaaliya

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta markii 4aad gacanta isula tagay, iyadoo ugu yaraan sadex ka mid ah xildhibaanada ay dhaawacyo culus ka soo gaareen.

Qalalaasaha maanta ka dhacay dhismaha golaha shacabka ayaa bilowday ka dib markii xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Baarlamanka Sharif Xassan Sheekh Aden ay soo galeen fadhi u socday xildhibaanada ka soo horjeeda.

Dagaal iyo gacan-isuqaad ka dib ayaa Xildhibaanadii taageersanaa Shariif Xassan xoog looga saaray madashii shirka, waxaana xildhibaabadii kale ay halkoodi ka sii wateen kulanka.

Markii kalfadhiga uu dib u ambaqaaday ayaa xildhibaanadii shirsanaa waxey sheegeen iney kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee barlamanka C/weli Sheekh Muudeey.

Xildhibaanada ayaa iminka u fadhiya doorashada gudoomiye cusub waxaa wareegga ugu dambeeya isla soo gaaray mudane oo jagadaasi u tartamaya.

Wixii ku soo kordha doorashada oo ilaa iyo haatan socota wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

XS
SM
MD
LG