Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Holland oo Gabogabo ku Dhaw


Doorashada Holland oo Gabogabo ku Dhaw
Doorashada Holland oo Gabogabo ku Dhaw

Doorashada Waddanka Holland ayaa codbixiyeyashu u codeeyen xisbiyada Midigta iyo Bidixda iyagoo baylihiyey xisbigii talada hayey ee Dhexe

Siyaasiyiinta reer Holland ayaa bilaabay wadahadalo ku saabsan ciddii soo dhisi lahayd xukuumadda xigta ee waddanka, ka dib markii cod-bixiyeyaashu ay xisbiga midigta iyo ka bidixda ay ka doorbideen xisbigii dhexda ee xukunka horey u hayn jiray.

Xisbiga Freedom ee soogalootiga kasoo horjeeda, muslimiintana ku kacsan ee uu hogaamiyo Geert Wilders ayaa helay labanlaab kuraastii uu horay u haystay.

Jan Peter Balkenende oo ah Ra’iisal Wasaaraha waddanka iyo hogaanka xisbiga Christian Democratka ayaa sheegay in xubinimada baarlamaanka uu iskaga tagayo, siyaasadana iskaga dhex baxayo.

Dawladdii uu madaxda ka ahaa Mr. Balkenende ayaa dhacday ka dib markii xisbiga VVD uu ka baxay xukuumad-wadaagii uu kula jiray taasoo ay sababtay muran ka dhashay dheerayn xiliga askarta reer Holland ay sii joogayaan waddanka Afghanistan.

XS
SM
MD
LG