Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dood-Wadaaga VOA ee Nairobi


Dood-Wadaaga VOA ee Nairobi
Dood-Wadaaga VOA ee Nairobi

Idaacadda VOA ayaa Nairobi ku qabatay dood-wadaag ay ka qeybgaleen madax iyo khubarro oo looga hadlayay saameynta Xagjirnimada ee Geeska Afrika.

Daawo Sawirrada Dood-wadaaga

Dood-wadaagan ka hadlaya xagjirnimada geeska Africa waxaa ka doodaya Guddoomiye-ku-xigeenka baarlamaanka Kenya, Faarax Macalim, Wasiirka arrimaha bulshada ee DKMG Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Eng. Ruqiya Cusmaan oo ka tirsan ururada bulshada iyo Dr. C/salaan Xaaji Hadliya, oo la taliye u ah dowladda KMG.

Dood-wadaaggaasi waxaa furay Madaxa Laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda VOA C/raxmaan Yabarrow oo dadkii ka qeybgalay dood-wadaagaasi u sheegay inaysan ahayn markii ugu horeysay ee idaacadda VOA ay soo qaban-qaabiso dood-wadaag noocan ah, balse ay hore idaacaddu u qabatay dood-wadaagyo ka dhacay Minneapolis, Djibouti iyo Hargeysa. C/raxmaan Yabarow, wuxuu sheegay in ujeedooyinka dooddahani ay yihiin in ummadda Soomaaliyeed wadatashi la dhexdhigo oo ay ka dooddan hadba mowduuca markaasi ugu muhiimsan ee taagan.

Dood-wadaagan waxaa dhexdhexaadinayay weriyaha VOA Europe C/salaam Hereri.

XS
SM
MD
LG