Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dood ku Saabsan Mowqifka Ra'iisal Wasaaraha


Dood ku Saabsan Mowqifka Ra'iisal Wasaaraha
Dood ku Saabsan Mowqifka Ra'iisal Wasaaraha

Halkan waxaan idiinku soo gudbineynaa dood ku saabsan mowqifka ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee shirka Kampala.

Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa dood ku saabsan go'aankii ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qaatay qodobadii ka soo baxay kulankii Kampala, Uganda.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu sheegay inuu iscasilayo oo keliya marka uu baarlamaanka kalsoonida kala noqdo, isagoo intaa raaciyay in marka hore qodobada heshiiskaasi la keeno baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.

Haddaba waxaa dooddan ka qeybgelaya Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Aadan (Faray) iyo Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Muuse (Ciiro).

Waxaana u qeybineysa Caasho Ibraahim (Caasho Cuud).


XS
SM
MD
LG