Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doha: Culimo ka Shirtay Xaaladda Somalia


Doha: Culimo ka Shirtay Xaaladda Somalia
Doha: Culimo ka Shirtay Xaaladda Somalia

Shir looga hadlayay xaaladda Somalia iyo doorka culimada ayaa ku soo xirmay Doxa. Shirkan waxaa ka qeybgalay culimada dunida Muslimka

Shir looga hadlayay xaaladda Somalia iyo doorka culimada Soomaalidu ay ka qaadan karaan ayaa waxaa lagu soo gaba-gabeeyay dalka Qadar magaala madaxdiisa Doxa.

Shirkan oo socday laba cisho waxaa ka qeybgalay culimo ka socotay Somalia iyo dunida Muslimka, waxaana isku soo dubariday midowga caalamiga ah ee culumada muslimiinta.

Sheekh Xasan Max'ed Ibraahim oo ka mid ah culimada Soomaaliya ayaa VOA-da u sheegay in shirkaasi lagu falanqeeyay xaaladda colaaddaha Soomaaliya ee daba dheeraaday. Sheekh Xasan wuxuu sheegay in gaba-gabadii shirkaasi laga saaro saaray baaqyo ay ka mid yihiin; in kooxaha Soomaaliya ay xal ka gaaraan colaadda dhex-dooda ka taagan, sidoo kale waxaa lagu baaqay in waddahal ay isugu yimaadaan culimada gudaha Somalia isla markaana ay ka qeybgalaan sidii loo heshiisiin lahaa dhinacyada Somalia.

XS
SM
MD
LG