Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG: Wakhtiga Ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub


DKMG: Wakhtiga Ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub
DKMG: Wakhtiga Ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub

Ra’iisul-wasaaraha DKMG ee Soomaaliya Cabdiwali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in 22-ka bisha May ee sannadkan la ansixin doono dastuurka qaboy-qoraalka ah ee Soomaaliya.

R/wasaare C/wali wuxuu sheegay in ansixinta dastuurka ay samayn doonaan golle ka kooban 1000 qof oo ay soo xuli doonaan guddiga diyaarinta dastuurka qabyada ah. Gollahan ayaa fadhiisan doona 15-ka May oo muddo toddobaad ah dastuurka ku ansixin doona.

R/wasaare Cabdiweli wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la soo dooran doono 15-ka bisha June ee sannadkan.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraaid oo uu qabtay galankii danbe ee shalay kaddib kulan uu la yeeshay guddiga dhameystirka dastuurka qabyo-qoraalka.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixinta kulankta R/wasaaraha iyo guddiga oo uu Muqdisho ka soo diray weriyaha VOA Xassan Kaafi Qosyte.

XS
SM
MD
LG