Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Shariif oo Raalli-galin u Jeediyey Somaliland


Madaxweyne Shariif oo Raalli-galin u Jeediyey Somaliland
Madaxweyne Shariif oo Raalli-galin u Jeediyey Somaliland

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ayaa soo dhaweeyey "garowshiyaha madaxda Somalia" ee ku aadan dhibtii kasoo gaartay wadajirkooda

Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa, isagoo ka hadlaya munaabasad magaalada Muqdisho ka dhacday oo lagaga hadlayey sannad-guurada 51aad ee 26ka June, waxa uu sheegay inuu raalli-galin ka bixinayo waxay ay tabanayaan gobollada woqooyi ee Somalia, waxana uu sheegay in wadajirku uu wanaagsan yahay iyada oo aan la is-khasbeynin.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo hadalka madaxda Somalia, hase yeeshee, ayna iyagu go'aankooda ka noqonaynin.

Warbixinoo iyo wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG