Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Go'aanka USA soo Dhaweysay


Dowladda Somalia ayaa soo dhaweysay lacagtii abaal marinta aheyd ee dhawaan dowladda Mareykanka ay dul dhigtay madaxa 7 hogaamiye oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sar sare ee ururka Al-shabab.

R/wasaaraha Soomaaliya C/Weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib Safarro Shaqo oo uu ku soo maray wadamada Turkiga iyo Kenya ayaa sheegay in talaabada ay qaadatay dowladda Mareykanka ay dan ugu jirto dowladda Somalia oo dagaal kula jirta kooxda Al-shabab.

Hadalka uu ka yiri Ra’isul Wasaaraha arintan isagoo kula hadlayay warbaahinta Garoonka Aden Cade ee Magaalada Muqdisho markii uu Muqdisho ku laabtay maanta halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG