Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Maxkamad saaraysa 2 Diyaaradood


DKMG oo Maxkamad saaraysa 2 Diyaaradood
DKMG oo Maxkamad saaraysa 2 Diyaaradood

DKMG ayaa sheegtay inay maxkamad soo taagaysa labadii diyaaradood ee Muqdisho lagu qabtay Talaadadii iyo lixdii qof ee saarnaa.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee DKMG, C/Shakuur Xasan Faarax ayaa VOA-da u sheegay in dowladda Somalia ay maxkmad soo taagi doonto labadii diyaaradood ee maalinimadii Talaadada ahayd lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalad Muqdisho iyo waliba lixdii qof ee saarnaa.

Diyaaradahan iyo rakaabka saarnaa ayaa lagu eedaynayaa dacwad ah inay waddanka Soomaaliya si sharcidarro ah usoo geliyeen lacag.

Wasiirku, C/shakuur Xasan Faarax wuxuu sheegay in hadda ka hor ay qaar ka mid ah lixda qof ee diyaaradahaasi lagu qabtay ay sidan oo kale si sharci darro ah falkan oo kale ugu dhaqaaqeen una soo galeen waddanka Somalia.

XS
SM
MD
LG