Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo hor joogsatay Mudaaharaad


DKMG oo hor joogsatay Mudaaharaad
DKMG oo hor joogsatay Mudaaharaad

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta is hortaagay bannaanbax maanta ka dhici lahaa Muqdisho, dadna xir xiray.

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa maanta horjoogsaday bannaanbax ka dhici lahaa muqdisho, waxayna xir xireen dad rabay inay dibadbaxaan.

Ku dhowaad 10 ka mid ah qaban qaabiyeyaasha bannaanbaxyadii ka dhacayay Muqdisho ayay ciidamadu xabsiga u taxaabeen.

Dadkii isugu soo baxay bannaanbaxa ayaa la sheegay in ciidamadu ay rasaas ku kala eryeen.

Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku eedeeyay bannaanbaxyada inay hurinayaan dad guryohooda lacag ku qaata.

XS
SM
MD
LG