Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG oo Amar ka soo Saartay Dibadbaxyada


DKMG oo Amar ka soo Saartay Dibadbaxyada
DKMG oo Amar ka soo Saartay Dibadbaxyada

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG ah ayaa sheegtay in ogaal la'aanteen aan dibadbax la qaban karin .

Wasaaradda amniga ee dowladda KMG ah aee Soomaaliya yaa soo saartay amar ku aadan dibadbaxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG ah Ibraahim Isxaaq Yarow ayaa VOA u sheegay in aan Muqdisho lagu qaban karin bannaanbaxyo aanay dowladdu ka war hayn.

Wuxuu sheegay in amarkaasi uu ka dambeeyay ka dib markii bannaanbaxyo rabshadeysan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kuwaasoo waxyeello ay ka soo gaartay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacay bannaanbaxyo iska soo horjeeda oo qaarkood lagu taageerayay Shirkii wadatashiga ahaa ee Nairobi ka dhacay iyo kuwo lagu diidan yahay shirkaasi.

XS
SM
MD
LG