Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG: Ka Qeybgeli Meyno Shirka Nairobi


DKMG: Ka Qeybgeli Meyno Shirka Nairobi
DKMG: Ka Qeybgeli Meyno Shirka Nairobi

Golaha xukuumadda KMG ah ayaa go'aansaday in dowladda KMG ah aysan ka qeybgelin shirka Soomaaliya ku saabsan ee Nairobi.

Golaha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku diidan yihiin in laga qeybgalo Shirka Soomaaliya ee Nairobi.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda KMG ah Cabdikariin Xasan Jaamac oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in golaha xukuumaddu uu gaaray go'aankaasi, ka dib markii ay falanqeeyeen qodobada looga hadli doono shirkaasi.

Wuxuu ugu baaqay ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, inuu ixtiraamo hawsha dastuuriga ah ee dowladda KMG ah.

Xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa qorsheeyay in shir ku saabsan mushkiladda Soomaaliya lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inay u arkaan in shirkaasi uusan xal u ahayn xaaladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG