Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu-Sunna iyo DKMG oo samaysanaya Isbahaysi Militari


Maleeshiya Ahlu-Sunna
Maleeshiya Ahlu-Sunna

Wasiir ka tirsan dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in DKMG iyo Ahlu-Sunna ay ku heshiiyeen isbahaysi military oo ka dhan ah Al-shabaab.

Heshiiskan oo ay hordhac ahaan u aqbaleen wakiillo ka socda dawladda ku meelgaraka ah iyo ururka Suufiyiinta ah ee Ahlu Sunna Wal-Jamaaca, waxa uu ku baaqayaa in la isku daro xoogagga amniga ee labada dhinac.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee dawladda Soomaliya Cabdirisaaq Cismana Juriile ayaa sheegay in wakiillada labada dhinac ay dib ugu laabanayaan taageerayaashooda si ay u heshiiska uga iibiyaan labada usbuuc ee soo socda.

Xog laga helayo ilo codsaday inaan magacooda la sheegin ayaa sheegay in labada dhinac haddii cuddudooda la isku daro ay yeelanayaan xoog dhan 20 kun oo ciidan. Halka ururka Al-Shabab la aaminsan yahay inaysan haysan wax ka badan dhowr kun oo maleeshiyo hubaysan kuwaasoo badankooduna ay ajaanib yihiin.

Ilaha laga soo xigtay warkan oo ka kala tirsan dawladda ku meelgaarka ah iyo ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca labadaba waxay sheegeen in guluf ay labada dhinac u dhan yihiin uu degdeg u bilowdo laguna qabsado qaybo ka tirsan Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya ee ay Al-Shabab haystaan.

Hase yeeshee heshiiska ay gaareen labada dhinac waxa ka horiman kara caqabado ka hor inta aan si buuxda loo saxiixin horraanta bisha soo socota. Dawladda Ku meelgaraka ah iyo Ahlu Suunna labadaba waa dhinacyo sal-fudaydka u nugul isla markaana fikrado xooggan ka qaba arrimaha xasaasiyadda leh, sida macnaha dhabta ah ee Islaamka.

Qodob kale oo hehsiiska burin kara waa awood qaybsiga. Hehsiiskan ku meelgaarka ahi waxa uu ku baaqayaa in ururka Ahlu Suunna Wal-Jamaaca laga siiyo dawladda madaxweyne sheikh shariif sheikh Ahmed shan wasiir iyo 34 jagooyin kale ah oo dawladeed ah. Taasi macnaheedu waxay noqonaysaa in barakac ku yimaado dhowr ka tirsan saraakiisha sarsare ee dawladda ku meelgaarka ah.

Ilo ku dhow ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca oo ka ag-dhowaa wadahadallada ayaa VOA-da u sheegay in ururka Suufiyiinta ahi ay doonayaan in xilka laga qaado saraakiil sare oo ka tirsan dawladda ku meelgaarka ah oo u janjeedha fikradda xagjirka ah ee Wahaabiga ee ay wataan Al-Shabab.


Isbahaysiga ka soo bixi kara Hehiiskan ay gaareen dowladda iyo Ahlu-Sunna waxa uu haystaa kaalmo ballaadhan oo caalamk ah, oo ay ka mid yihiin tan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo iyagu ku yaboohay ciidanka dhan 5,300 ee AMISOM ee Muqdishu jooga.

Wasiirka Boostada iyo Isgarasiinta Cabdirisaaq Juriile iyo xubnaha kaleba waxay sheegeen inay rajaynayaan in isbahaysigani uu jidka u xaari doono dagaal saf ah oo haysashada al-shabab loga fujinayo badi dalka, sida magaalada Muqdishu. Ururka Al-Shabab oo sheegtay inay xiriir dhow la leeyihiin Al-Qaacida waxay sheegeen inay guluf kaga jawabai doonaan weerar lagu qaado. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee dawladda Soomaliya Cabdirisaaq Cismaan Juriile ayaa sheegay in wakiillada labada dhinac ay dib ugu laabanayaan taageerayaashooda si ay u heshiiska uga iibiyaan labada usbuuc ee soo socda.

XS
SM
MD
LG