Isku xirrada

War

DKMG: Goobo Cusub ayaan La Wareegnay

  • VOA Somali

DKMG: Goobo Cusub ayaan La Wareegnay

DKMG: Goobo Cusub ayaan La Wareegnay

Dowladda KMG ah waxay sheegtay in fariisimo cusub ay kala wareegeen kooxda al-Shabaab.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku geeriyootay, 15 kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay agagaarka wasaaraddii hore ee Gaashaan dhigga ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dhowaan ay gacan ku haynteeda ciidamada dowladda iyo Kuwa Amisom kala wareegeen kooxda al-Shabaab.

Dhimashada iyo dhawaca waxa uu inta badan soo gaaray dhinacyadii dagaallamayay.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda KMG ah Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay ka dib markii kooxda al-Shabaab ay weerar ku soo qaaday xarunta wasaaraddii hore ee gaashaan dhigga, wuxuuna sheegay in kooxda al-Shabaab ay gaari ay ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa ku soo weerareen xaruntaasi, balse ciidamada dowladda ay ku guuleysteen inay fashiliyaan weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG