Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG ah oo Qirtay Xiriirka Kala dhaxeeya Sarasen


DKMG ah oo Qirtay Xiriirka Kala dhaxeeya Sarasen
DKMG ah oo Qirtay Xiriirka Kala dhaxeeya Sarasen

Wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG ah ayaa sheegay in heshiiska Sarasen iyo dowladda KMG ah uu ka horreeyay xukuumadda Ra'iisal wasaare Farmaajo.

Dowladda KMG ah ayaa si rasmi ah uga hadashay heshiiska ka dhaxeeya shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Sarasen, taasoo la sheegay inay tababar siineyso ciidamada dowladda KMG ah.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo Isgaarsiinta Cabdikariim Xasan Jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in heshiiska dowladda KMG ah iyo Shirkadda Sarasen uu ka horreeyay xukuumadda Ra’iisal Wasaare Farmaajo.

Wasiirku wuxuu sheegay in tababarada ay bixineyso shirkadda Sarasen ay baahi u qabaan, isla markaana ay dowladdu tahay dowlad madaxbannaan oo fulin karta wixii u daneynaya dalka.

Wuxuu kaloo sheegay in kharashka ku baxaya tababarka ciidamada dowladda ay bixin doonaan dowlado Muslim ah. Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu tilmaamo dowladahaasi kuwa ay yihiin.

XS
SM
MD
LG