Isku xirrada

War Deg-Deg ah

DKMG ah oo Baaq ka Soo Saartay Colaadda Mudug


DKMG ah oo Baaq ka Soo Saartay Colaadda Mudug
DKMG ah oo Baaq ka Soo Saartay Colaadda Mudug

Dowladda KMG ah ayaa magacowday guddi ka soo kala jeeda beelaha ay dirirtu ku dhexmarayso gobolkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa baaq loogu jeediyay beelaha ku dagaalamaya gobolka Mudug.

Qoaraalkaasi ayaa lagu magacaabay guddi isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka soo kala jeeda labada beelood ee gobolka Mudug wada dega. Guddiga xalinta colaaddaasi loo xilsaaray waxaa hogaaminaya ra'iisal wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax.

“Sida taariikhda xuseyso Midnimo, Wada jir iyo Iskaashi ayay ummaddaha adduunku uga gudbaan aafooyinka ku dhaca, annaga oo ah ummad Islaam ah waxaa lagama maarmaan ah in gobol iyo degmo walba laga sameeyo Rabbi tuug si naxariista eebe aan uga gudubno dhibaatadaasi” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaare Farmaajo.

baaqan dowladda KMG ah ee ku aadan colaaddaasi waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ee dirirtu u dhaxeyso uu dhinacba dhinaca kale ku eedeeynayo inay colaadda hurinayaan.

XS
SM
MD
LG