Isku xirrada

War

DKMG ah oo 90 Cisho u Qabatay Hay'adaha


DKMG ah oo 90 Cisho u Qabatay Hay'adaha

DKMG ah oo 90 Cisho u Qabatay Hay'adaha

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 90 maalmood u qabtay hay'adaha Q.M.

Ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay hay'adaha Qaramada Midoobay ee ku hawlan arrimaha Soomaaliya inay dalka yimaadaan, iskana soo diiwaan geliyaan dowladda KMG ah.

Shir jaraa'id oo uu maanta ra'iisal wasaaruhu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inay u diyaariyeen hay'adaha samafalku guryihii ay degi lahaayeen.

Ra'iisal wasaare Farmaajo wuxuu sheegay in ay rabaan in ay kula xisaabtamaan hay'adaha gargaarka ee Qarmaada Midoobay, malaayiinta doollar ee ay ku kharash gareeyaan Soomaaliya.

Go'aankan xukuumadda ayaa ku soo beegmay iyadoo dowladda KMG ah ay ka biyo diidsan tahay kulan uu qaban qaabinayo wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Agustine Mahiga, kaasoo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, kana dhici doona magaalada Nairobi.

Dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya qaarkood waxay ku tilmaameen in go'aankan uu bannaanka u soo saarayo khilaafka u dhaxeeya dowladda KMG ah iyo Qaramada Midoobay.

Faysal Cabdi Rooble oo ah qoraa arrimaha Geeska Afrika ayaa ku tilmaamay go'aankan dowladda "Af Gobaadsi" ayna ka dhiganeyso qalab ay kula dagaalanto Qaramada Midoobay.

XS
SM
MD
LG