Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo Beenisay in Askar laga Dilay


Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya magaalada Muqdisho Dayib Dubad Rooble oo shir jaraa’id maanta Qabtay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar kooxda Al-shabab ay ku baahisay warbaahinta taageerta oo sheegayay in laba askari ay kaga dhinteen Djibouti dagaaladii ka dhacay agagaarka Suuqa Xoolaha, xaradii Maslax iyo jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad.

Dayib Dubad Rooble, ayaa sheegay in ciidammada dowladda Jabuutina aysan wali dagaal toos ah la galin kooxda shabaab, hase yeeshee ay isku arki doonaan jiidaha dagaalka dhawaan marka la soo dhameystiro tirada ciidamada Djibouti ay ugu talagashay inay ku biiraan howlgalka nabad ilaalinta ee Midowga Africa.

Danjire Dayib Dubad Rooble ayaa dhinaca kale bogaadiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada DKMG ah oo kaashanayay kuwa AMISOM ay ku qabsadeen meelihii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho kaga harsanaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-shabab iyo sidoo kale qaar ka mid ah gobolada.

Safiirka Djibouti ayaa mar uu ka hadlayay booska ay ka taagantahay Djibouti siyaasadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Dowladiisu ay sii wadi doonto waxa uu ugu yeeray taageero hagar la’aan ah oo ay la garab taagantahay Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay Madaxda DKMG inay meel iska dhigaan qilaafkooda si buu yiri loo sii xajiyo guulaha laga gaaray soocelinta amaanka.

Warbixin ku saabsan halkan hoose ka dhageyso

XS
SM
MD
LG