Isku xirrada

War

Djibouti: Mucaaradka oo ku Baaqay Dibadbax

  • VOA Somali

Djibouti: Mucaaradka oo ku Baaqay Dibadbax

Djibouti: Mucaaradka oo ku Baaqay Dibadbax

Aadan Rooble Cawaale oo ka mid ah mucaaradka Djibouti ayaa sheegay in jimcaha ay qaban doonaan dibedbaxyo ka dhan ah xukuumadda.

Aadan Rooble Cawaale oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay in mucaaradku ay maalinta jimacaha ah ee 4-ta bishan ay Djibouti ka qaban doonaan dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in la sameeyo guddi madax banaan oo suurtogaliya doorashooyinka madaxtinimo ee bisha april ka dhici doona Djibouti.

Aadan Roobleu, wuxuu kaloo ugu baaqay dowladda Jabuuti inay xabsiga ka sii deyso mas’uuliyiin mucaaradka ka tirsan oo la xir xiray ka dib bannaanbaxii 18-kii bishii hore ka dhacay magaalada Jabuuti.

Mr. Cawaale ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay xir xirtay inka badan 200 oo qof oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka ee hormuudka ka ahaa bannaan baxyadaii looga soo horjeeday dowladda.

XS
SM
MD
LG