Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Mucaaradka oo Bannaanbax Dhigay


Djibouti: Mucaaradka oo Bannaanbax Dhigay
Djibouti: Mucaaradka oo Bannaanbax Dhigay

Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa maanta sameeyay bannaanbaxyo ballaaran, waxayna ku baaqeen inay iscasisho dowladda dalkaasi.

Xisbiyada mucaaradka dalka Jabuuti ayaa maanta sameeyay isu soo bax ballaaran oo ay ku dalbanayaan inuu iscasilo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Mucaaradka ayaa ku dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Geelle inay dhagaysan weyday shacabkeeda.

Xasan Maxamed, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee PDP ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan bannaan baxyada ilaa inta ay iska casileyso xukuumadda dalka.

Halkan ka dhageyso Wareysiga guddoomiye ku xigeenka xisbiga PDP oo u warramay Cabdulqaadir Nunow


Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti Yaasiin Cilmi Buux oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in mucaaradka iyo shacabka dalka Jabuuti ay xor u yihiin inay afkaartooda bixiyaan, dowladduna u oggolaatay inay bannaanbax sameeyaan.

Halkan ka dhageyso wareysiga Wasiirka oo u warramay Sahro Ciidle Nuur.


XS
SM
MD
LG