Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Kulamo u Socda Somaliland iyo Puntland


Djibouti: Kulamo u Socda Somaliland iyo Puntland
Djibouti: Kulamo u Socda Somaliland iyo Puntland

Xaruunta Cilmi baadhista ee HESPI ayaa bilwodo kulammo ay yeelanayaan bulshada rayidka ah ee labada maamul.

Kulamadan oo ah kuwa ka madax banaan arrimaha siyaasadda ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii nabadgaliyo loogu soo af jari lahaa khilaafaadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Agaasimaha Xaruunta Cilmi baadhista dhaqaalaha iyo bulshada Geeska Afrika (HESPI), Dr Cali Ciise Cabdi, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay laanta af Soomaaliga ee VOA waxaa uu ku sheegay in ay ku marti qaadeen kulankan xubno ka socda Jaamacadaha Somaliland iyo Puntland.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in helo qaab wadajir looga shaqayn karo hormarka gobolka, kaasi oo door laga siinayo aqoonyahanka iyo bulshada rayidka ah.

Waraysga oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG