Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti iyo Eritrea: Heshiis Horudhac ah


Djibouti iyo Eritrea: Heshiis Horudhac ah
Djibouti iyo Eritrea: Heshiis Horudhac ah

Waddamada Jabuuti iyo Eritrea ayaa saxeexay heshiis horudhac ah oo ay ku ballan-qaadayaan in dawladda Qatar ay dhex-dhexaadiso

Labada waddan ee Jabuuti and Eritrea ayaa saxeexay heshiis ay ku ballan qaadayaan in Waddanka Qatar uu dhexdhaadiyo khilaafka labada dal ee ka dhashay weerarkii ay Eritrea ku qabsatay jasiiradda Dumayra ee waddanka Djibouti.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wakaaladda wararka ee dawladda Qatar ayaa lagu xusay in Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi Sheekh Xamad Bin Jaasim Bin Jabar Al Thani, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda uu sheegay in madaxda labada dawladood ee Eritrea iyo Jabuuti ay saxeexeen axdigaas ballan-qaadka ah.

Labada madaxweyne ee Jabuuti iyo Eritrea ayaa, sida heshiiska ku xusan, Amiirka Qatar u wakiishay inuu ahaado dhex-dhexaadiye nabadeed, markhaatina ka ahaado heshiiska. Wasiiradda arrimaha dibadda ee labada dal ayaa magaaladda Doxa ku saxeexi doona ballan-qaadka iyo qorsha dhex-dhexaadinta.

Iyadoo, sida dawladda Qatar sheegtay, ay talaabdani bilow tahay xalkii kama dambaysta ahaana uuna ahayn, haddana Qatar waxay sheegtay in ay aragtay isla markaana hubisay in ciidamadii Eritrea ay dib uga noqdeen, haddana aysan joogin jasiiraddii ay Jabuuti ka haysteen. Heshiiska ballan qaadka ah ee ay dawladda Qatar soo bandhigtay ayaa ka kooban toddoba qodob oo ugu horeeyo in marka hore la aas-aaso guddi uu madax ka yahay R/ Wasaaraha Qatar Sh Xamad Bin Jaasim oo ay xubno ka yihiin wakiilo ka socda Jabuuti iyo Eritrea.



XS
SM
MD
LG