Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Dowladda oo Mamnuuncday Bannaanbaxyada


Djibouti: Dowladda oo Mamnuuncday Bannaanbaxyada
Djibouti: Dowladda oo Mamnuuncday Bannaanbaxyada

Dowladda Djibouti ayaa mamnuucday bannaabax iyo kullamo ay yeeshaan kooxaha mucaaradka ee Djibouti.

Xukuumadda Djibouti ayaa mamnuucday mudaharaadyo iyo kullamo ay yeeshaan mucaaradka Djibouti.

War-saxaafadeed uu ku saxiixan yahay wasiirka arrimaha gudaha ee Djibouti, Yaasiin Cilmi Buux ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ee Djibouti ay u diyaar yihiin inay gacan ku dhigaan cid-walba oo isu soo bax ka sameysa gudaha dalka Djibouti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Djibouti, Yaasiin Cilmi Buux ayaa VOA u sheegay in mucaaradku uusan haysan ruqsad ama ogolaansho uu ku sameeyo bannaabax, sidaasi darteedna aan la ogoleyn in bannaabax la sameeyo.

Warkan ka soo baxay xukuumadda ayaa ku soo beegmaya xilli ay ururada mucaaradku ku baaqeen inay banaanbax weyn ka dhigayaan maalinta jimcaha ee bari dalka Djibouti.

Aadan Rooble Cawaale oo ka mid ah hoggaamiyayaasha mucaaradka ayaa VOA u sheegay inay ku baaqayaan bannaabax nabadeed oo ay ku diidan yihiin hannaanka doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhici doona Djibouti.

XS
SM
MD
LG