Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Booliska oo ka Hortagay Dibadbax


Djibouti: Booliska oo ka Hortagay Dibadbax
Djibouti: Booliska oo ka Hortagay Dibadbax

Ciidamada Amniga Djibouti ayaa hor-istaagay bannaanbax ay ku baaqeen mucaaradka oo maanta ka dhici lahaa Djibouti

Ciidamada Amniga Djibouti ayaa hor-istaagay bannaanbax ay ku baaqeen mucaaradka oo maanta ka dhici lahaa Djibouti.

Ciidamada Amniga ayaa la dhigay dhammaan waddooyinka magaalada Djibouti si ay u hor-istaagaan bannaanbaxa. Hase yeeshee Adan Rooble Cawaale oo ah hoggaamiyaha mucaaradka ayaa VOA-da u sheegay in qaar ka tirsan ay mucaaradku ay maanta bannaanbaxeen, wuxuuna sheegay in dadka ay u sheegeen inay guryahooda ku noqdaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti, Max'uud Cali Yuusuf ayaa isagoo VOA la hadlayay beeniyay in bannaanbax uu ka dhacay Djibouti, wuxuuna sheegay in dadka Djibouti ay qaateen amarkii ay shalay soo saartay Dowladdu ee lagu mamnuucayay in dibadbaxyo la sameeyo.

XS
SM
MD
LG