Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxa Baladweyne oo Kordhay


Tirada askarta ciidanka Jabuuti ee qaraxii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ku geeriyootay ayaa waxaa ay gaartay illaa 4 dhimasho iyo dhaawac toddobo kale, sida ay VOA u xaqiijiyeen Ilo wareedyo dhinaca amniga.

Askarta qaar kood ayaa qaba dhaawacyo culus sida ay VOA ka ogaatay ilo wareedka dhinaca amniga iyo saraakiil ka tirsan mamaulka gobolka.

Ciidamada nabad sugida Soomaaliya iyo ciidanka Jabuuti ayaa isbitaalka Baledweyne kala baxay nin dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in gaariga qaraxa fuliyay uu ka dagay ka hor intii aanu qaraxa dhicin, sidaasi waxaa waxaa VOA u sheegay ku simaha ahna gudoomiyaha ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Cabdulle Inji.

Dhinaca kale illaa toddobo askari oo Itoobiyaan dhaawac ah oo laga soo qaaday degmada Ceelbuur ayaa la gaarsiyay Magaalada Baledweyne.

Lama oga sida ay ku dhaawacmeen iyo hadii ay jiraan Askar ku geeriyootay Goobata dhaawacyada laga keenay.

Baabuur weyn oo korka laga saaray balka ay xooluhu cunaan laguna soo qariyey waxyaabaha qarxa ayaa la abeegsaday saldhig ku yaalla xaafadda Hawlwadaag ee dhinaca galbeed ee magaalada Beledweyne oo ay maamulkaan ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Fariimo la soo dhigay barta rasmiga ah ee Twitterka ee Amisom ayaa lagu sheegay in weerarka uu isugu jiray qarax ismiidaamin ahaa iyo rag 10 gaaraya oo hubeysan oo weerar ku qaaday xerada.

Weriye ka tirsan idaacadda VOA oo booqday goobta ayaa sheegay inuu arkay burbur soo gaadhay guryo ka ag-dhowaa goobta qaraxu ka dhacay.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Jabuuti ee ku sugan magaaladaasi.

Jabuuti ayaa Soomaaliya ka joogaan ciidamo ka badan 2000 askari kuwaasi oo ka hawlagal gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey qaraxa magaalada Beledweyne, waxaana uu tacsi u diray dhiggiisa dalka Jabuuti.

Ismaaciil Xuseen Farjar, ayaa faahfaahinta khasaaraha weerarka iyo sidey wax u dhaceenba ka wareystay Col Xasan Jaamac Faarax, oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya.

Dhageyso Wareysiga Col Xasan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:40 0:00

XS
SM
MD
LG