Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaaradaha Turkiga oo Duqeeyey Kurdish-ka


Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa ku warrantay in ugu yaraan 20 ka tirsan mintidiinta Kurdish-ka lagu dilay duqeymo ay diyaaradaha Turkiga ka fuliyeen woqooyiga dalka Ciraq, Arbacada maanta ah.

Diyaarad nooca F-16 ah ayaa beegsatay xubno ka tirsan kooxda PKK, oo ku sugnaa gobolka buuraha ee Hakurk, ee ku yaalla xuduudda Ciraq iyo Turkey, sida ay shaacisay wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu.

Xabad joojin laba sano ah iyo wada hadallo nabadeed oo u dhaxeeyay dowladda Turkiga iyo kooxda PKK ayaa burburay bishii July ee sanaddii 2015.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa duqeymo isdaba joog ah ku hayey xeryhaha kooxda PKK ee woqooyiga Ciraq iyo koonfurta bari ee Turkiga ee Kurdish-ka ay ku badan yihiin.

Weerarka maanta dhacay ayaa ah kii ugu horreeyey ee Turkiga ay ku qaadaan kooxda PKK, tan iyo markii uu dhacay afgambigii fashilmay ee dalkaas.

XS
SM
MD
LG