Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad ku Burburtay Muqdisho


Diyaarad ku Burburtay Muqdisho
Diyaarad ku Burburtay Muqdisho

Saraakiil dhinaca amniga qaabilsan oo ku sugan dalka Somalia ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan ciddina wadin ay ku burburtay jimcihii magaalada caasimada ah ee Muqdisho, laakiin saraakiishan may bixin faahfaahin la xiriirta cidda iska leh diyaaradaasi.

Saraakiishan ayaa laanta Af-Soomaalida ee VOA u sheegay in diyaaradan ay ku dulburburtay meel u dhow safaaradda Libya ee Muqdisho oo ku taalla degmada Hodan.

Mas’uuliyiin codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in ciidamada Midowga Africa iyo koox niman ah oo aan la sheegay cidda ay yihiin ay qaadeen hadhaagii ama burburkii ka haray diyaaradaasi.

Maraykanka ayaa la aaminsan yahay inuu diyaaraddo nooca aan ciddina wadin uu ka howgaliyo dalka Somalia, halkaasi oo ciidamada dowladdu ay dagaal kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida.

Xukuumadda Maraykanka ayaan si caddaan ah uga hadlin wararka sheegaya inay isticmaasho diyaaraddahan oo howlgallo basaasnimo ah ka fuliya dalka Somalia.

XS
SM
MD
LG