Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo ka Danbeysay dilkii Weriyihii Malaysia


AMISOM oo ka Danbeysay dilkii Weriyihii Malaysia
AMISOM oo ka Danbeysay dilkii Weriyihii Malaysia

Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in baadhitaan ay sameeyeen lagu ogoaaday in afar askari oo ka tirsan ciidamada Burundi ay mas’uul ka ahaayeen dilkii weriye Malaysia u dhashay oo lagu magacaabo Noramfaizul Mohd Nor oo bilowgii bishan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciiidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Paddy Akunda ayaa VOA u sheegay in afartan askari ay ku lug lahaayeen dilka weriyaha isla markaana shaqada laga fadhiisiyay laguna maxkamadeyn doono dalka Burundi.

Weriyahan ayaa Muqdisho lagu dilay 2-dii bishan September xilli uu ka warramayay hay’ad Malaysia ka socoto oo gargaar u siday dadka abaaruhu saameeyeen ee ku nool magaalada Muqdisho.

XS
SM
MD
LG