Isku xirrada

War

Dil Xalay ka Dhacay Laascaanood


Dil Xalay ka Dhacay Laascaanood

Dil Xalay ka Dhacay Laascaanood

Haweenay ka tirsanay booliska Somaliland ayaa la sheegay in xalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Haweenay la sheegay inay ka tirsaneyd bileyska maamulka Somaliland ayaa xalay lagu dilay magaalada Laascaanood. Hase yeeshee haweeneydan weli tafaasiil lagama bixin, darajada ay ka ahayd booliska Somaliland.

Lama sheegin sababta ka dambeysay dilkeeda, mana jirto cid loo qabtay falkaasi lagu dilay haweeneydaasi askariga ahayd.

Waxaa dilkan lagu sheegay inuu yahay kii saddexaad oo muddo laba bilood gudohood magaalada Laascaanood loogu geysto qof dumar ah.

XS
SM
MD
LG