Isku xirrada

War

Dibedbaxyo balaaran oo ka socda Masar


Dibedbaxyo balaaran oo ka socda Masar

Dibedbaxyo balaaran oo ka socda Masar

Dibedbaxyo waa weyn ayaa ka socda magaalooyinka waaweyn ee Masar. Qaahira in kabadan 1.5 Malyuun ayaa ku sugan Fagaaraha Taxriir.

Boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyinka waa weyn ee dalka Masar, iyagoo codsanaya in madaxweyne Max'ed Xusni Mubaarak uu iscasilo.

Magaalada Qaahira, in kabadan hal malyuun iyo bar ayaa ku mudaharaadaya fagaaraha Taxriir, iyadoo magaalada dekedda ku taala ee Alexandria ay ka socdaan dibedbaxyo balaaran oo ay dadku samaynayaan.

Dibedbaxan balaaran ee maanta ayaa noqonaya kii siddeedaad ee ay samaynayaan dhamaan qeybaha kale duwan ee dadka Masar, waxayna madaxweynaha dalkaasi ku cadaadinayaan inuu xilka ka dago. Ciidamada Militariga oo la dhigay qeybaha muhiimka ah ee magaalada Qaahira ayaa iyagu sheegay inaysan faragalin ku samayn doonin dadka dibedbaxyadan sameynaya.

Dowladda Masar ayaa jartay gabi ahaan taleefonada iyo internet-ka dalkaasi, sidoo kale waxaa maalintii labaad la joojiyay tareenada soo gala ama ka dhexshaqeeya magaalada Qaahira, taasoo ka dhigan in dowladdu hakiso dadka soo galaya Qaahira ee ka imanaya banaanka magaaladaasi.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa iyagu qaatay mowqif isku mid ah, waxayna sheegeen inaysan wax waddahadal ah la furayn madaxweyne Mubaarak tan iyo inta uu xilka hayo.

Madaxweyne-kuxigeenka Masar Cumar Suleyman ayaa sheegay in madaxweynuhu weydiistay inuu isbeddello sameeyo, balse lama oga waxay noqon doonaan isbeddeladaasi.

Guud ahaan jawiga gooabaha ay mudaharaadyadu ka socdaan ayaan laga soo sheegin wax rabshado ah.

Dhinaca kale, dad Soomaali ah oo iyagu haysta jinsiyadaha waddamada reer Galbeedka oo iyagu waddanka Masar deggan, qaarkoodna ay hadda kasoo baxeen.

Xaaladda qoysaskii Masar deganaa iyo wararkii ugu dambeeyey ee Mudaaharaadka, qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG