Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado Maanta Ka Dhacay Boorama


Boorama
Boorama

Magaalada Boorama ayaa haatan deggan ka dib markii maanta uu mudaharaad khasaare hantiyeed geystay uu ka dhacay gelinkii hore.

Dadweyne ka cadhaysan dil ay ciidamada amnigu u geysteen wiil shalay ku dhintay rasaas ay rideen ciidamadu, ayaa dab qabadsiiyeen guriga uu deggan yahay taliyaha ciidanka booliiska ee gobolka Awdal.

Dilka wiilkaas ayaa yimid kadib markii cayaar kubadda cagta ah oo magaalada ka dhaceysay ay rabshado isku beddeshay shalay, kadibna ciidamada ammaanka ay rasaas fureen.

Wiilkaasi, aaa waxa maanta lagu aasay magaalada Boorama.

Dhinaca kale, tartankii cayaaraha gobollada Somaliland ee ka socday magaalada Boorama, ayaa maanta la hakiyey.

Weriyaha VOA Barkhad Kaariye ayaa warbixintan noo soo diray.

Rabshadaha Boorama
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:01:18 0:00

XS
SM
MD
LG