Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa lagu Tuhmayaa Qaraxyadii Turkiga?


Ra’isul Wasaaraha Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in kooxda dowladda Islamiga ah ay tahay midda ugu weyn ee ay baarayaasha ku howlan qaraxyadii sabtidii ka dhacay Ankara ee 97 qof ku dhinteen, looga shakisan yahay.

Mr. Davutoglu ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Turkiga ay ku dhow yihiin inay aqoonsadaan mid ka mid mid ah kuwii qaraxyada geystay, islamarkaana daliilaha ilaa iyo hadda la hayo ay tuhunka ISIS laga qabo xoojinayaan.

Qaraxyadan oo mataano ahaa ayaa sabtidii ka dhacay meel ay isugu soo urureen dad dibad bax nabadeed dhigayay, waxaana ku dhaawacmay 160 qof, iyagoo noqday weerarkii ugu xumaa ee mar qura dhaca taariikhda dalka Turkiga.

Turkiga ayaa sheegay in qaraxyadan looga dan lahaa inay saameyn ku yeeshaan doorashooyinka baarlamaaniga ee dalkaasi ka dhacaya 1-da bisha November ee soo socota, laakiin waxa uu wacad ku maray in codbixintaasi aysan waqtigeeda ka dib dhici doonin.

Davutoglu, Ra’isul wasaaraha Turkiga, waxa uu ku baaqa midnimo qaran oo ka dhan ah argagixisada.

XS
SM
MD
LG