Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo ka Socda Dalka Nigeria


Dibadbaxyo ka Socda Dalka Nigeria
Dibadbaxyo ka Socda Dalka Nigeria

Ururka shaqaalaha ee ugu weyn dalka Nigeria ayaa ku baaqay shaqo joojin lagaga cabanayo sicirka shiidaalka iyo cuntada ee kor u kacaya

Dadka reer Nigeria ayaa bilaabay shaqo joojin dalka oo dhan ka dhacay, kaas oo ay kaga cabanayaan sicirka shiidaalka iyo cuntada oo aad kor ugu kacay, kadib go’aankii dawladdu ay ku joojisay inay kabto shiidaalka.
Kumanaan dad ah ayaa Isntiina maanta iskugu yimid magaalo-madaxda ganacsiga ee Lagos, halkaas oo waddooyinkii buuqa badnaa ay maanta marnaayeen, marka laga reebo dadkii dibadbaxayey. Hal-ku-dhigyo ayey ku dhawaaqayeen, waxayna siteen boorar ay dawladda ugu yeerayaan in la joojiyo musuqmaasuqa intii badeecadaha ay dawladdu kabto la joojin lahaa.

Sidoo kale, waxa jiray dibaxbaxyo meelo kale ka dhacay, sida magaalada caasimadda ah ee Abuja, iyo magaalada woqooyiga dalka ku taalla ee Kano.
Ururka shaqaalaha ee ugu weyn dalka ayaa dibadbaxa iskugu yeeray, kadib markii isu soo baxyo yar-yari ay toddobaadkii hore dhaceen.
safaf dhaadheer ayaa ka muuqda suuqyada iyo xarumaha shiidaalka ee Nigeria, halkaas oo dadku ay wax sii iibsanayeen inta aan shaqo joojintu bilaaban

Sicirka saliidda ayaa gaaray 80 cent litirkii, halka markii hore ee ay dawladdu kabi jirtay uu ka ahaa 40 cent. Kabidda dawladda ayaa la joojiyey 1dii bishan January.

XS
SM
MD
LG