Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbax lagu Taageeray Midowga al-Shabab iyo AlQacida.


Dibadbax lagu Taageeray Midowga al-Shabab iyo AlQacida.
Dibadbax lagu Taageeray Midowga al-Shabab iyo AlQacida.

al-Shabab ayaa soo abaabushay dibadbax lagu taageeryo midowgooda AlQaacida. Al-shabab waxay shirka London ku tilmaantay mid shirqool.

Dibadbaxan ayaa ka dhacay duleedka Muqdisho.

Max'ed Cismaan Caruus oo ka tirsan al-Shabaab ayaa difaacay midowga Al-shabaab iyo al-Qaacida.

Caruus oo wareysi siiyay VOA ayaa sidoo kale canbaareeyay shirka London toddobaadka danbe ka dhici doono ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Sheekh Bashiir Salaad oo ah guddoomiyaha majmaca Cullimada Soomaaliya ayaa ka hadlay midowga labada urur ee al-Shabaab iyo alQaacida, isagoo sheegay in talaabadaasi ay tahay mid khaldan dhinaca diinta.

Qeybta hoose ka dhageyso warbixin iyo wareysiyo.

XS
SM
MD
LG