Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad baxyada Wall Street oo fiday


Dibad baxyada Wall Street oo fiday
Dibad baxyada Wall Street oo fiday

Dibad baxyada cabshada dhaqaalaha ee ka biloowday New York ayaa meelo kale ku fiday

Kumaan dibad baxyaal ah ayaa isugu soo ururay fagaaraha Times Squrae ee magaalada Newyork ee dalka Mareeykanka, sabtidii oo aheyd maalin ay dibad baxyo kuwaasi la mid ah ka dhacayeen meelo kale oo dunida ah, kuwaas oo lagu taageerayay aragtida looga soo hor jeedo dhaqaalaha gacanta u galay shirkadaha waaweeyn

Ciidamo Boolis ah oo saaran fardo oo adeegsanayay suntan qiiqa dadka kaga ilmeeysiiya ayaa isku dayayay ineey dadka dibad baxayay ay ka kaxeeyaan fagaaraha.

Dabeesha dibadbaxan ayaa gaartay xarumaha gobolada Clorado, Clifornia iyo Seattle Washington.

Dibad baxyada ayaa ka dhacay sabtidii shalay magalada Rome ee xarunta dalka Talyaniga , waxeey sidoo kale ka biloowdeen New Zealand, qeeybo ka mid ah Asia.

Hadaba dibad baxyadan, gaar ahaan kuwa ka socda Mareeykanka ujeedadoodu waxeey tahay waxaa VOAda uga waramay Professor Daahir Nuur oo loo yaqaan daahir Afar indhood oo wax ka dhiga jaamacadda Pheonix oo ku sugan dalkan Mareeyakanka

Wareeysigaasi halkan hoose ka dhageeyso

XS
SM
MD
LG