Isku xirrada

War

Dib u Dhis weyn oo ka Socda Muqdisho


Magaalada Muqdisho oo beri lagu naaneeysi jiray Xamar Cadey ayaa iminka u muuqata mid ka soo kabaneysa bur burkii ay dhaxalsiiyeen colaad sokeeye iyo dagaalo dhinaca awoodda ah oo magaalada ka dhacayay 21kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa hadda ka soconaya magaalada Dhismooyin cusub iyo dayac tir dadku ay ku sameysanayaan guryihii ka bur buray, taasoo muuqaalka magaalada durbadiiba wax ka bedeshay.

Waxaa dhinaca kale dib u dhiska socda, ka faa’idaya dadka xoogsatada ah oo aad aroor walba arkeyso iyadoo jidadka magaalada qul qulaya oo shaqooyin u jarmaadaya.

Warbixin ku saabsan arintaasi oo maqal ah halka hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG