Isku xirrada

War

Howlaha gurmadka ee dhulgariirka Chile


Shaqaalaha gurmadka ee dalka Chile ayaa dad ka hoos baaraya daarihii ku burburay dhulgariirkii shalay ku dhuftay dalkaasi.

Dhulgariir cabbirkiisu uu ahaa 8.8 ayaa shalay subaxdii hore ku dhuftay Chile, waxaana ku dhintay ugu yaraan 300 oo qof waxaana ku burburay in kabadan hal milyan oo guri.

Shaqaalaha gargaarka ayaa ku dadaalaya in ay soo badbaadiyaan ku dhawaad boqol qof oo ku hoos jira dhisme burburay oo ku yaalla magaalada Konsebsiyoon oo 100 Kilomiter u jirta barta uu dhulgariirku ka bilaabmay.

Muuqaallo dhinaca Tilifishanka aha ayaa muujinyay dad badan oo biliqaysnaya dukaamada ku yaalla magaaladaasi ka hor intii aanu Boolisku iman.

Haweenayda madaxweynaha ka ah Chile Michelle Bachelet ayaa ku dhawaaqday in badhtamaha dalkaasi ay ka jirto xaalad ay ku tilmaantay “masiibo qaran”.

XS
SM
MD
LG