Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhul-gariir Saakay ku Dhuftay Talyaaniga


Dhul Gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 6.0 cabirka Dhulgariirada ayaa gilgilay waqooyiga dalka Talyaaniga, saakay waaberigii, kaasoo ay ugu yaraan ku dhinteen lix qof , isla markaana bur buriyay guryo qarniyaal dhisnaa iyo kaniisado ku yaala gobolkaasi oo dhan.

Baaris dhinaca cilmiga dhulka ah oo laga sameyay dalkan Mareykanka ayaa lagu sheegay in dhul gariirka ku dhuftay Saakay talyaaniga ay ubucdiisu aheyd qiyaastii 35 km meel waqooyi galbeed ka xigta magaalada Bologna.
Dhulgariiska ayaa waxa uu ruxmay saakay 4 aroornimo ee waqtiga talyaaniga, iyadoo dadka deegaanka oo aad u argagaxsanna ay ku soo yaaceen jidadka, dhowr dhulgariir oo kaa ka dambeeyay oo yar yar ayaa sidoo kale laga dareemay gobolka.

Inta badan dadkii degenaa magaalooyinka gobolka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan iney dib guryahooda ugu noqdaan, iyagoo ka baqaya dhulgariiro kale.

Dhulgariirka waxa uu afka dhulka u geliyay oo uu u bedelay bur- bur isdul tuban iyo boor – dhismooyin taariikhi ah iyo kaniisado qaarkood la dhisay 1,500 oo sano ka hor.

Wasaaradda Dhaqanka ee Talyaaniga ayaa sheegtay in qasaare weyn uu ka dhashay dhulgariirka.

Ra’isul wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa isna tacsi u diray dadkii wax ku noqday dhulgariirka, waxaana uu qorsheeynayaa inuu goor hore ka tago Shirmadaxeedka Nato si uu dalkiis dib ugu laabto.

XS
SM
MD
LG