Isku xirrada

Dhowr Qarax oo 24 Qof ku Dilay Dalka Afghanistan


Ciidamo tagaty goobta qaraxa uu ka dhacay ee magaalada Kabul

Ciidamo tagaty goobta qaraxa uu ka dhacay ee magaalada Kabul

Qaraxyo kala duwan oo maanta ka dhacay dalka Afghanistan ayaa dilay ugu yaraan 24 qof, islamarkaana dhaawacay qiyaastii 40 kale.

Qaraxii ugu dhimashada badnaa ayaa ka dhacay magaalada Kabul, halkaasi oo qof ismiidaamiyey uu ag istaagay kadibna isku qarxiyey gaari rakaab ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof, islamarkaana uu dhaawacay sideed kale. Kooxda Daalibaan ayaa durbadiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Dadka lagu dilay weerarka ayaa ahaa ciidamo ammaan oo kasoo jeeda dalka Nepal oo u shaqeynayey hay’adda dhinaca ammaanka ah oo ka shaqeysa magaalada caasimadda ah. Shan askari oo kale oo u dhashay dalka Nepal ayaa ka mid ahaa dadka dhaawacay.

Saacad kadib ayaa miino dhulka lagu aasay waxa ay ku qaraxday dhinac kale oo magaalada ka mid ah, halkaasi oo lagu dhaawacay mas’uul ka tirsan gobolka iyo laba ka mid ah ilaaladiisa.

Islamarkaana, 10 qof ayaa ku geeriyooday, 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen gobolka Badakhshan kadib markii miino la aasay ay ku qaraxday suuq dadku ay ku badan yihiin.

XS
SM
MD
LG