Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaatiir Suuriyaan ah oo Warqad u Qoray Obama


Koox Dhaqaatiir Suuriyaan ah oo ku sugan magaalada Aleppo ee Woqooyiga Syria ayaa madaxweynaha Mareykanka Barack Obama u qoray warqad ay ku qeexayaan xaaladda liidata ee magaaladaas, waxayna ka codsadeen tallaabo lagu joojinayo weerarada ka dhanka ah rayidka.

Aleppo ayaa ahayd magaalada labaad ee Syria ugu weyn markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee dalkaas muddo shan sano laga joogo, waxayna iminka xudun tahay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda taageera iyo mucaaradka.

“Waxa dhaqaatiir ahaan xanuunka nagu haya ayaa ah inaan kala doorano qofka dhimanaya iyo qofka noolaanaya. Mararka qaar waxaa naloo keenaa caruur dhaawac liita ah oo nagu qasbeysa inaan ka door bidno dadka waa weyn ee leh fursadda noolaasho” ayaa lagu yiri warqadda.

“Muddo shan sano ah ayaa waxaan dhimashada u wajaheynaa si joogto ah, hase yeesheeiminka xaaladda waa ka dartay waxaana ka wajaheynaa dhinac walba. Muddo shan sana ah dunida waxay ka hadleysaa xaaladda liidata ee halkan, haddana waxba kama qabaneyso”

Dadaallo QM ay taageeryso oo ay wadeen Mareykanka iyo Ruushka, kuwaas oo xabad joojin looga hir-gelinayo magaaladaas ayaa guul darreystay.

XS
SM
MD
LG