Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyarada & Dagaallada: Dib u Jaleecid


Dhalinyarada & Dagaallada: Dib u Jaleecid
Dhalinyarada & Dagaallada: Dib u Jaleecid

Xubintan waxaan todobaadkan ku soo qaadanaynaa qisooyinka ugu waa weynaa ee barnaamijyadii baxay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Dagaallada Soomaaliya iyo guuldarrada siyaasadeed waxay haatan madaxa la sii galayaan labaatan sano.

Ka sokow dhimashada dadka rayid ah ee tobannaanka kun ah, malaayiinta qof ee ka barakacday dalka iyo malaayiin kale oo ku silcan gudaha, waxaa suurtogal ah in aafada ugu weyn ee ay Soomaaliya iyo dadkeedaba ku reebeen ay tahay dhibaatada ku habsatay dhalinyarada. Dhibaatada dhalinyarada gaadhay ayaa ah tan dhalisay fikraddaan ah soo saarista Barnaamijka Dhalinyarada Maanta iyo Dagaallada Sokeeye. Barnaamijkan waxan bilaabay 11-kii Diisambar 2009, lix bilood kadibna waxaan aaminsanahay in barnaamijku wax weyn ka taray soo ifbixinta dhibaatooyinka dhalinyarada ka soo gaara dagaallada. Sheekooyinkaasi waxaa ka mid ahaa dhacddadii ismiidaaminta ahayd ee lala beegsaday huteelka Shaamo, halkaasii oo arday dhalinyaro ah ay ku qalinjebinayeen.

Sannadihii ugu dambeeyey waxaa la ogaaday in tobannaan dhalinyaro ah oo waalidkood ay Soomaaliya kala carareen isla markaana waxbarasho wanaagsan iyo waxyaabaha kale ee daruuriga nafta u ah ku haysta waddamada qurbaha qaarkood inay ku laabteen Soomaaliya si ay dagaallada qayb uga noqdaan, badankoodna waxay ku biireen ururka Al-Shabab iyadoo qaarkood ay is-qarxiyeen. Barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagaalladuna waxa uu doodo iyo waraysiyo ka sameeyey waxa ku kallifay dhalinyaradaasi inay is-halligaan.

Dhalinyaro badan ayaa laabtooda u furay barnaamijka iyagoo la wadaagay sheekooyin la-yaab leh oo naftooda halisgelin karta. Qisooyin badan oo barnaamijkan looga sheekeeyey ayaanan illaabi karin, balse haddii aan soo qaato laba sheeko oo aan xusuustoodu iga go’ayn waxay kala ahaayeen tan ku dhacday laba wiil oo labaduba ay 18 jir yihiin. Tan ugu horraysa waxay ku dhacday Ismaaciil Khaliif oo bishii Juun ee sannadkii aynu soo dhaafnay lug iyo gacan is-dhaaf ah ay ka goysay maxkamadda ururka Al-Shabab. Ismaaciil waxa uu beeniyey in xatooyo lagu qabtay, waxa uu barnaamijka u sheegay in siyaasadi ka dambaysay xubno goyntiisa, waxaase ka sii xanuun badnaa sida loo fuliyey xukunkaasi. Sheekada labaad ee xusuusta igu reebtay waxay ahayd tan uu iiga sheekeeyey wiilka aynu magaciisa ku soo koobnay Asad Yare oo hore ula soo shaqeeyey dhaqdhaqaaqii maxkamadaha ee Muqaawamda la odhan jiray iyo ururrada Jabhatu Islaamiya iyo ururka Al-Shabab oo ka farcamay maxkamadaha. Sannadihii 2007 iyo 2008 Asad waxa taliyayaashaasii ay ku dareen liiska dhalinyaro loogu talogalay inay khaarajaiyaan kuwa ka soo hrojeeday, gaar ahaan dadka lagu tuhmo inay ka tirsan yihiin ama gacansaar la leeyihiin dawladda Soomaaliya. Xiligaasi waxay muqaawamada agtooda ka ahayd dil xataa haddii qof uu ka ag-dhowaado ama tago xarrumaha dawladda. Mid ka mid ah amarrada la siiyey Asad iyo nin kale oo dhalinyar ah waxay ahayd inuu khaarajiyo nin ka mid ah dadka tegi jiray agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Barnaamijkan guudmarka ah ee ku saabsan qaar ka mid ah qisooyinkii lagu soo qaatay barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagaallada waxaad ka dhagaysan kartaa midigta sare. Qaybta 25-aad ee u dambaysa waxaad dhagaysan doontaan Jimcaha soo socda. Barnaamijka Dhalinyarada iyo Dagalalada waxaa uu dib u soo laaban doonaa dhammaadka sannadkan, waxaase halkiisii ka sii socon doona barnaamijyadii cadaiga ahaa ee dhalinyarada.

XS
SM
MD
LG